Bangiga addunka oo Kenya ugu deeqay 15 bilyan oo dhalinyarada lagu horumarinayo
Bangiga adduunka ayaa 15 bilyan oo shilinka dalka ku biirinayo mashruuca horumarinta dhalinyarada ku nool dalkani Kenya .
Deeqdan ayaa ah mid looga gol leeyahay in sara loogu qaado fursadaha shaqo oo ay dhalinta nooloshoodu ku maareyn karaan.
Wasiirada wasaarada dhalinyarada iyo arrimaha jinsiyada Sicily Kariuki ayaa soo dhaweysay tageerada uu bangiga u fiidiyay dalka.
Waxaay intaas ku dartay in kaalin muhiim ah ay deeqdan ka qadaneyso in la xaliyo shaqa laanta da’yarta ku habsatay.